Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan ilwareedka BBC ee Mark Lawrenson ayaa dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo toddobaadkan la ciyaarayo midkiisii shanaad.
Waxa laga soo laabtay hal toddobaad oo kulamo caalami ah la ciyaarayo waxaana ay markale 20-ka kooxood ee PL diyaar u yihiin inay halkooda kasii wadaa dagaalka iyo loolanka xilli ciyaareedkan 2019-20.
Kooxda ilaa haatan hoggaanka haysa kaddib afar kulan ayaa ah Liverpool oo guulo 100% ah soo gaadhay halka Manchester City oo booska labaad fadhidaa ay laba dhibcood ka dambayso.
Kooxaha kale ee waaweyn ayaa dhammaantood xaalado isla hooseeya ku jira toddobaadkana baahiyo waaweyn u qaba inay midkasta saddexda dhibcood ee kulankeeda wada qaadato.
Lawro waxa uu guul weyn oo raaxo leh u rajaynayaa kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool oo kulanka ugu horreeya toddobaadkan soo dhawayn doonta Newcastle United.
Khabiirka BBC ayaa sidoo kale guulo u rajeeyay kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo kulamo holac ah la kala yeelan doona Leicester City iyo Wolves sida ay u kala horreeyaan.
Lawrenson ayaa diiday inuu liiska kooxaha guuleysan doona ka reebo Man City oo booqanaysa Norwich iyo waliba Tottenham oo soo dhawaynaysa Crystal Palace.
Saadaasha Khabiir Mark Lawrenson Ee Premier League 2019-20 Toddobaadka Shanaad
Kulamada Sabtida
Liverpool 3-0 Newcastle United
Brighton 1-1- Burnley
Man United 2-1 Leicester City
Sheffield United 2-1 Southampton
Tottenham 2-0 Crystal Palace
Wolves 1-2 Chelsea
Norwich 0-2 Man City
Kulamada Axada
Bournemouth 2-1 Everton
Watford 1-1 Arsenal
Kulanka Isniinta
Aston Villa 2-1 West Ham United



