R/Wasaraha oo sheegay in xukuumadiisa ay ka shaqeyneyso dastuurka KMG ah

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Reysalwasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa oo ka hadlayey arimaha dastuurka dalka ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay dhameystireyso dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hada xukuumada ay ka shaqeysay dhameystirka cutubyo ka mid ah dastuurka, waxaana uu intaa ku daray in ay ka go,antahay xukuumadiisu sidii ay u dhameystiri lahayda dastuurka dalka.

Xukuumada fedraalka ee Soomaaliya ayaa wax ka bedel ku sameysay qaar ka mid ah cutubyo ka tirsan dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka, taasi oo si weyn ay uga soo horjeesatay maamulka Puntland oo ku tilmaamay in ay sii xumeyneyso xiriirka kala dhaxeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.