Eedeysanayaashii loo heystay dilkii Wariye Hindiyo Xaaji oo la maxkamadeynayo

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee dalka, ayaa  maanta lagu wadaa in ay dhageysato dacwad loo heysto ilaa 5 nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd Radio Muqdisho iyo TV-ga qaranka.

Raga maxkamadda lasoo taagay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 5 ruux oo ku eedeysan Dilka Wariye Hindiyo ayaa waxaa siyaabo kala duwan loogu soo kala qabtay Magaalada Muqdisho,iyadoo maanta dhageysiga Dacwada loo haysto ay ka bilaabaneyso Maxkamadda.

Wararka kale ee Idaacadda Risaala ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in xarunta garsoorka dalka oo maxkamadeynta maanta ka ay ka dhici doonto ay ku sugan yihiin qareenada u doodaya eedeysanayaasha, eheladooda iyo dadweyne u yimid dhageysiga maxkamadda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha maxkamadeyntdib ayaan adinkaga soo sheegi doonaa insha Allah.