R/wasaaraha oo Puntland iyo Galmudug kala hadlaya Dagaalka Gaalkacyo

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Glamudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado  ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo xubno kale.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda Galmudug kala hadlaya sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Gaalkacyo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Magaalada Cadaado uga sii gudbi doona Magaalada Garoowe, waxaana uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, si uu ugala hadlo Dagaalada ku soo laab laabtay Gaalklacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.