R/wasaaraha oo ku wajahan Cadaado iyo Garoowe

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu Cadaado gaaro waxa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, isagoo kala hadlaya Dagaalka Gaalkacyo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Magaalada Cadaado uga sii gudbi doona Magaalada Garoowe, halkaasi oo haatan ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa, waxaana uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, si uu ugala hadlo colaada Gaalkacyo.