Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacay kulan uu shir Guddoominayay ku simaha Madadweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Kulanka ayaa su’aalo la xaririira qaab dhismeedka Ciidamada Qaranka lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/laahi Maxamed.
Sidoo kale kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha shacabka, sida uu Risaala u sheegay sarkaal halkaasi ku sugnaa.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka ka qeyb galay ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka codsadeen in uu sharaxaad ka bixiyo qorshaha dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Guddoonka iyo Gudiyada Baarlamaanka u sharaxay qorshaha ku aadan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa maalin ka hor Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeedaan qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.
Dowaladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii loo dhisi lahaa Ciidamo hanan kara Ammaanka dalka, si looga maarmo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee hada Dowladda ka caawiya ladagaalanka Shabaab.






