DHAGEYSO: R/wasaaraha oo ka hadlay geerida Wasiir Cabaas

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Wasiir Cabaas uu ahaa nin aad u jecel dalkiisa, dadkiisa, kana dhex muuqday Golaha Wasiirada, ayna ku dayanayeen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in uu la xiriiray Ehelada Marxuumka oo uu la wadaagay Tacsida, wuxuu sidoo kale la xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan dalka Itoobiya, isaga oo safarkiisa soo gaabinaya isla maantana Muqdisho dib ugu soo laaban doona, si uu uga qeyb galo Aaska Wasiir Cabaas.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin