Muqdisho-RisaalaFM- Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.
Askar ilaalo u ahayd Hanti Dhawraha, ayaa waxaa la sheegay in ay dileen Wasiirka, ka dib markii ay ka shakiyeen gaari uu la socday, oo ku soo dhawaaday gaari kale oo uu watay Hanti Dhawraha.
Hanti Dhawraha, ayaa wax shil ah ku tilmaamay tallaabada lagu dilay Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay geeridaasi.
Nuur Faarax Jimcaale, ayaa waxaa uu qiray in uu socdo baaritaano ay Hay’adaha ammaanku ku xaqiijinayan sida ay wax u dhaceen, wuxuuna ka gaabsaday in uu ka horudhaco baaritaanada socda, isla-markaana uu baaritaanada u dhaafayo Hay’adaha ku shaqada leh.


