R/wasaaraha Itoobiya oo Muqidsho soo gaaray

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Mas’yuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Safiiro, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Hailemariam Desalegn Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya ayaa waxaa loo gudbiyay Hoolka nasashada, ka hor inta uusan tegin xarunta xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Goor dhow waxaa la filayaa sidoo kale in ay Garoonka Diyaaradaha ka soo degaan Madax kale oo ka tirsan Afrika.