Madaxweynaha Kenya oo Muqdisho yimid

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hada ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka mid ahaa xubnihii soo dhaweeyay Madaxweynahah Kenya Uhuru Kenyatta.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa loo gudbiyay hoolka ay ka dhaceyso xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana hoolka ku sugan wufuud kala oo ka kala yimid dalal kala duwan.

Goor dhow waxaa bilaabaneysa xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka xarunta ay ka dhaceyso xaflada.