R/wasaaraha Itoobiya oo ka duulay Aadan Cadde xilli ay socoto Xaflada Caleemo Saarka

Muqdish-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa goor dhow ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqidsho, xilli ay socoto Munaasbada Caleemo Saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Hailemariam Desalegn ayaa codsaday in loo soo hormariyo khudbadiisa, wuxuuna jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya, isagoo khudbadiisa ku soo gaba gabeeyay Hambalyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte iyo xildhibano kale oo ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka.