DHAGEYSO WAREYSI: C/raxmaan Ducaale oo ka hadlay Caleema Saarka Farmaajo

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu Caleemo Saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mid ah xubanaha Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo Saarka ayaa Risaala u sheegay in si aad ah loogu diyaar garoobay Munaasabadan, sidoo kalena ay rajeynayaan in ay si nabad ah ku dhacdo.