Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban 9 xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona qabanqaabada xuska toddobaadka xorriyadda dalka ee sanadguurada 65-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo.
Guddigan oo ay xubno ka yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh).
Xubnaha guddiga ayaa kala ah:
1. Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Guddoomiye
2. Wasiir Bashir Maxamed Jamaac (Goobbe) – Xubin
3. Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) – Xubin
4. Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eeleey) – Xubin
5. Wasiir Dr. Xirsi Jaamac Gaanni – Xubin
6. Wasiir Dr. Maxamed Cali Xagaa – Xubin
7. Wasiir Drs. Nuura Mustaf Guudow – Xubin
8. Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala) – Xubin
9. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiin – Xubin
10. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boondool) – Xoghaye
Guddigan ayaa u xilsaaran inay qorsheeyaan, isku dubaridaan, ayna hirgeliyaan munaasabadaha loogu dabaaldegayo maalmaha taariikhiga ah ee xornimada iyo midnimada Soomaaliyeed.



