Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar iyo xidhibaanno heer federaal ah ayaa booqday Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka ee aagga degmada Aadan-yabaal.
Agaasimaha iyo madaxda kala duwan ee la socotay ayaa Ciidamada geesiyaasha ku bogaadiyay sida ay Al-shabaab ugu saareen deegaanada Hirshabelle oo ay gacanta ugu hayaan.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kala hadlaya dardargelinta dagaalka ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Guluf dagaal ka waday xadka kala qeybaha Gobolada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.



