RW Rooble oo baaq u diray dowlad Goboleedyada

Ra’iis Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare, isaga oo sidoo kale hambalyo u diray xildhibaannada soo baxay.

Sidoo kale RW Rooble ayaa bogaadiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Ugu dambeyn Dhammaan Dowlad-goboleedyada ayuu kula dardaarmay in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.