Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa soo bandhigay hindise uu sheegay haddii la fuliyo inuu joojinayo duulaanka Ukraine , isagoo ku xiray si dagaalka loo joojiyo inay Ukraine iyo reer galbeedka fuliyaan shuruudaha Ruushka.
Shuruudaha uu Madaxweynaha Ruushka soo bandhigay ayaa waxaa kamid ah inay Ukraine ciidankeeda ka saarta afar gobol oo kala ah ; Donetsk , Luhansk, Kherson iyo Zaporozhye oo uu ku sheegay aftidii laga qaaday inay ku biireen Ruushka.
Waxaa kalo uu ku xiray si wada-hadallo loo billaabo inay Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ku biiritaanka NATO iyo inay dalalka reer galbeedka cunaqabateynta ka qaadaan Ruushka , isagoo ku hanjabay haddii Ukraine iyo reer galbeedka ay diiddan hindisahan cusub inay xaaladda sii xumaan doonto oo Ruushka uu la imaanayo shuruudo kale.