Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo xal u helidda dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga, kaas oo ka qabsoomay dalka Switzerland. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka iyo Ururka Ganacsiga Adduunka.

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya,  taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururrada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qeyb galaya furitaanka Shirka xal u helidda dagaalka dalka Ukraine, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Switzerland, isla markaana ay ka qeyb galayaan 90 Dowladood.

Madaxweynaha ayaa inta uu shirkaasi ka qeyb galayo waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Madaxda Goobjooga ka ah shirka, isaga oo kala hadli doona arrimaha dalka Soomaaliya.