Madaxweynaha Somaliland oo faah faahin cusub ka bixiyay heshiiskii uu la galay Itoobiya

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay  in Somaliland  u halgamayso xaqiijinta madax-bannaanida iyo aqoonsiga, sida dal kasta oo ka mid ah qaarada Afrikaba uu  sameeyay.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidaasi ku caddeeyay  mar uu u warramayay Wargeyska caanka ah ee The Economist, in aanay Somaliland ahayn gooni goosato, hase ahaatee ay tahay qaran madaxbannaan oo dib ula soo noqday madaxbannaanidiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in dalkiisu u baahan yahay aqoonsi, Itoobiyana ay  u doonayso bad. Waxaanu tilmaamay in ay Somaliland  dalka Itoobiya ka kiraynayso 20km oo ay ka dhigato saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana noqon doonta dalka u horreeya ee aqoonsada “Madax-bannaanida Somaliland”

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xusay in Somaliland  diyaar u tahay heshiiska ay la gashay Itoobiya.

Wargeyska The Economist wuxuu warbixin uu ka qoray Somaliland ku tilmaamay dal gaarkiisa u taagnaa tan 1991kii oo dib  ugala soo noqday   madaxbannaanidiisa Soomaaliya. Waxa kaloo uu ka xaal-warramay inay Somaliland tahay waddan leh ciidan, dawlad, maxkamado iyo laamihii dawladnimada oo dhan, isla markaana ay 1dii Bishii January ee sannadkan ay heshiis la gashay dalka Itoobiya.