Ruushka oo digniin culus u diray dalka Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in Ukraine ay cawaaqib xun kala kulmi doonto galaangalka siyaasadeed oo ay ka wado Magaalada lagu muransanyahay ee Crimea.

Isagoo qadka taleefanka kula hadlaayay Hogaamiyaha Jarmelka Angela Markel ayuu Madaxweyne Putin sheegay in uu il gaar ah ku haayo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Magaalada Kieve ee xarunta u ah Ukrain ka socda waxa uuna wacad ku maray in tilaabo waliba ay kusoo qaadan waxa uu ku tilmaamay cariga Ruushka oo uu kala jeedo dhulka lagu muransanyahay ee Crimea, in ay ugu bedeli doonaan mid la mid ah.

Madaxweyne Putin oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee aqalka looga arrimiyo dalka Ruushka ee Crimileanka ayaa waxa uu si caro leh u sheegay in ay Ukriane ka shalaay doonto hadii ay kusoo xad gudubto Magaalada Crimea.

Hadalka Madaxweyne Putin ayaa kusoo aadaya xili Masuuliyiinta Ukraine ay shaaciyeen in ay dhawaan amar deg deg ah kusoo rogi doonaan Magaalada Crimea.

Afayeenka Hogaamiyaha Jarmalka Steiffen Seibert ayaa sheegay in Angela Markel ay aad kaga walaacsantahay xiisadaan siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay mar kale Ruushka iyo Ukraine waxa uuna sheegay in ay dedaal badan ku bixin doonaan in wax dagaal ah uusan dhex marin labbadaasi dal.

Xigasho: Aljazeera TV.