Rooney oo Ka Tagay Xulka England

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdda Liverpool Jordan Henderson ayaa la sheegay in uu xiran doonno calaamadda Kabtanka xulka England ciyaarta caawa ku dhexmaraysa garoonka Wembley xulalka England iyo Spain.

Ciyaartan oo ah mid saaxiibtinimo waxaa Handerson uu badali doonnaa kabtanka qaranka iyo kooxda Manchester United Wayne Rooney oo dhaawac ah.

Rooney, oo kabtan ka ahaa ciyaartii ka midka ahayd isreebreebka koobka aduunka ee England ay ku garaacday 3-0 xulka Scotland. Laakiin wuxuu ka maqnaa tababarkii xulkiisa iyadoo la sheegay in uu qabo dhaawac yar.

“Kuma bilaaban doonno Wayne ciyaartan Enagland vs Spain. Waxaan go’aansan magcaabista kabtan cusub” ayuu yiri tababaraha kumeelgaarka ah ee England Garath Southgate.

Henderson oo 26 sano jir ah wuxuu kabtan ka ahaa xulka England ciyaartii 0-0 ay la galeen xulka Slovina bishii hore.