Rooble oo sheegay in ay jiraan dad doonaya in doorashada ay Carqaladeeyaan

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in qabsoomidda doorashadu ay tahay xalka kaliya ee dalku uga bixi karo xaaladda adag.

Waxaa uu caddeeyay in ay jiraan dad dano gaar ah leh oo doonaya in ay Carqaladeeyaan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa uu sheegay in doorashada loo qaban doono si deg deg ah, islamarkaana Shirka golaha wadatashiga qaran lagu go,aamin doono Jadwal doorasho oo deg deg ah.

Waxaa uu  hay’adaha amniga faray in ay ammaanka dalka sugaan oo ay ka hor taagaan Shabaab iyo doorashada Carqaladeynaya.

Waxaa uu Wasiirada Amniga iyo Gaanshaandhiga u sheegay in ay masuul ka yihiin Amniga dalka ayna dardargaliyaan, islamarkaana aysan jirin cid kale oo laga amar qaadan doono.