Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Rooble ayaa dhawaan u Magacaabay Wasiirkii Wasaaraddaasi Duraan Wasiirka duulista hawada, waxaana wasaaraddaasi loo soo badalay Wasiir Oomaar oo iska diiday in uu aqbalo.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay wasaaradda kusimaha ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi.