Madaxda Sudan iyo Eritrea oo Kulan ku leh Khartoum

Madaxweynaha Eritrea, Isias Afwerki waxa uu Maanta booqasho Rasmi oo labo maalmood ah ku tegay caasimada dalka Sudan ee Khartoum.

Wafdiga waxay isla Maanta ka qeyb galeen Shir Wadajir ah oo ay Madaxda Sudan iyo Eritrea kaga wada hadli doonaan Xiriirka Labada Waddan, khilaafka Xuduudka ee Sudan iyo Eritrea iyo Sudan iyo Ethiopia.

Kulankaasi waxaa isla shir guddoominayo Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Alburhaan iyo Madaxweynaha Eritrea, Afewerki.

Wafdiga Madaxweyne Afewerki waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eritrea, Othman Salah iyo La-Taliyaha Khaaska ee Afewerki oo lagu magacaabo Yemane Ghebriab.