Wararka naga soo gaaraya degaanada maamulka Puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in roobab xoogan ay ka da’ayaan degaano ku yaalla gobolada Bari iyo Nugaal.
Roobabka ayaa la sheegaya in ay xoogan yihiin , waxaana laga cabsi qaba in duufaano ay ku dhuftaan Magaalooyinka ku yaalla dhanka Xeebta.
Magaalada Boosaaso ayaa la sheegaya in ay ka da’een roobab xoogan.
Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in kooxaha Saadaasha Hawada ay kusoo wargeliyeen in roobab wata dabeylo xoogan ay kusoo wajahan yihiin degaanada maamulka Puntland.
Degaano badan oo ku yaalla gobolada Bari iyo Nugaal ayaa waxaa ka jira Abaaro ba’an oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.


