Yaa ka dambeeyay dilka Gabdhihii walaalaha ahaa ee lagu dilay Canada?

Ayadoo labo gabdhood oo walaalo ah lagu dilay Magaalada Ottawa ee dalka Canada ay dilka Gabdhahaasi  waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Wiil la dhashay.

Ka dib Baaritaano dheer oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska dalka Canada ayaa waxa ay kusoo xaqiijiyeen in labada Gabdhood ee u dilay Walaalkood.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay Markii uu dilkaasi dhacay wax yar ka dib in la qabtay Muscab Cabdiraxmaan oo la dhashay labada gabdhood ee la dilay oo la kala oran jiray Nasiibo Cabdiraxmaan iyo sidoo kale Asmo Cabdiraxmaan.

Waxa ay sheegeen in uu guriga kasoo baxay ,isagoo  oo ay ku yaallan Astaamo muujinaya in uu wax dilay.

Ciidanka Booliska ayaa waxa ay sheegeen in Muscab uu diiday in uu maxkamada horyimaado ,islamarkaana xeerbeegtida ay kusoo oogeen in uu ka dambeeyay dilka.

Muscab Cabdiraxmaan ayaa la sheegaya in uu qabay cudurka dhimirka.