BBC Sports Oo Magacowday Kooxda Iyo Macalinka Sannadka Premier League

Leicester City ayaa loo magacaabay kooxda sanadka waxaana shaqsi sanad ku guuleystay isla macalinkeeda Cludio Ranieri abaalmarinta ay bixiso BBC-da ee loo yaqaano BBC Sports of the Year, oo sanad waliba la bixiyo.

Kooxda horyaalka difaacaneysa horyaalka ayaa ka yaabsatay dunida oo dhan xilli ciyaaredkii hore, waxana usoo galiyay tababarihii hore ee Chelesea Cludio Ranieri.

Dhacdooyinka ayaa usuura galiyay inay ku guuleystaan horyalka Ingiriiska xidigaha Jamie Vardy, Riyad Mahrez iyo N’Golo Kante oo hada ka tegey kooxda isla markaana ku biiray kooxda Chelesa.

Ranieri ayaa abaal marintan ku garaacay maamulayaasha kubada cagta la shaqayn jiray ee Michael O’Neill iyo Chris Coleman, iyo sidoo kale tababare qaranka England ee Rugby Eddie Jones, ayaa yiri: “Waxaan u mahad celinayaa  ciyaartoydeyda, guddoomiyaha kooxda iyo shaqaalaha oo dhan” Dabcan, taageerayaasheena, la’aantood waxay ahayd wax aan macquul aheyn inan ku guuleysano horyaalka. Waana ku mahadsan yihiin sida qof waliba uu noo taageeray.”