Roobab ayaa ka curtay qaar ka mid ah goboladda Soomaaliya, waxaana roobabkaasi qaarkood ay ka da’een meelo ay ka jireen Abaaro daran.
Meelaha maanta roobab wanaagsan ka da’een waxaa ka mid ah Gobolada Mudug, Shabeellaha Dhexe,Galgaduud iyo Sool.
Qaar ka mid ah dadka kunool degaano ka mid ah goboladaasi ayaa Risaala u sheegay in meelaha qaarkood ay ka hoortay raxmadda eebe.
Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah wali waxaa ka taagan sameynta Abaartii ku dhufatay Soomaaliya ee Sima.



