Kalfadhiga 5-aad ee golaha Shacabka oo berri Furmaya

Maalinta beri ah oo taariikhda ay ku beegan tahay 27 bisha Maarso waxaa si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka soomaliya.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya).

Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya xafladda furitaanka.