Roobab Daadad wata oo Puntland ku dilay caruur

Bari-RisaalaFM- Roobab xooggan ayaa ka Da’ay degaanada Puntland, sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Risaala ee Magaaladaasi.

Roobabkan oo watay Daadad ayaa waxa ay sababeen dhimashada illaa Shan qof, sidoo kalena Daadadka ka dhashay Roobabku waxay hakad geliyeen isu socodka Gaadiidka.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen Roobabka in ay Labo caruur ah ku dileen Degaanka Umuum 120-KM ujira Degmada Qandala, kana tirsan Gobolka Bari, kuwaasi oo jira Da’da 8-sano iyo 6-sano.

Sidoo kale Masuuliyiinta Puntland ayaa waxa ay sheegeen Xarfo iyo Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal in ay Saddex caruur ah ku dileen Roobabka Daadadka wata ee halkaasi ka Da’ay.

Gaadiidkii ka imaan jiray Waqooyiga Mudug ayaa waxaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin Togga Dur-dur, halkaasi oo ay fariisteen biyaha Roobka oo aad u fara badan.