Roob khasaaro geystay oo ka da’ay degaano ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar -bariga Puntland- ayaa sheegaya in halkaasi ay ka da’een Roobab dabaylo wata oo khasaare hantiyeed gaystay.

Khadadka taleefannada ayaa go’an, waxaana la sheegayaa in tiro guryo ah dumeen, kuwaas oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhismayaasha shirkadaha Isgaarsiinta ee deegaanka.

Dhankale roobab ayaa tan iyo saaka ka da’aya gobollada Garafuu, Bari iyo qeybo kamid ah Sanaag , sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Wixii soo kordha halkan kala soco.