Ronaldo oo la sii ogaday in uusan ka qeyb gali doonin xafkadda abaalmarinta Ballon d’or

Laacibka kooxda reer Italy ee Juventus C.Ronaldo ayaa haatan lagu soo waramayaa in uusan gabi ahaanba ka qeyn gali doonin xaflada lagu bixinaayo abaalmarinta Ballon d’or.

Wiilkaan ku guuleestay 5-jeer abaalmarinta Ballon d’or ayaa haatan ka mid ah ciyaartooyda ugu cadcad hanashada biladaan balse Ronaldo ayaan xaflada lagu arki doonin sida ay warisay Sky Italy.

Sababta ugu weyn ee uusan Ronaldo xaflada u tagi doonin ayaa lagu sheegay in ay tahay in uusan Ballon d’or ku guuleesan doonin uu xidig kale hanan doono abaalmarinta.

Modric ayaa ah ciyaariyahanka kaalinta 1-aad galay sida ay sheegayaan wararka xanta ah inkistoo aan si rasmi ah loo ogeen waxa dhabta ah, Ronaldo ayaa isna galay kaalinta 2-aad.

Xaflada ay qaban qaabineeso France Football Megazin ayaa waxaa lagu abaalmarin doonaa sdex ciyaaryooy oo kala wiilka ugu fiican, gabaha ugu fiican iyo da’ yarka ugu fiican dhanka ragga.

Ronaldo inta badi kama qeyb galo bixinta abaalmatinada hadii uusan ahayn shaqsiga ugu cadcad markaas waana sababta xilli hore shaki loo gelinaayo imaanshiyahiisa.