DHAGEYSO: Dowladda oo dayacday Ciidamada Cirka & dhulkoodii oo la bixiyay

Sida muuqata dowladda Federalka Soomaaliya ayaanan ahmiyad badan siinin dhismaha ciidamada Cirka Soomaaliya oo xilligan loo arko in waqti badan aanan lagu bixin, iskaba daa dhismo & Tayeyn lagu sameeyo ciidankaasi, waxa aysanba gacanta ku haynin dhulkii uu lahaa Ciidamada Cirka Soomaaliya ee xilligii hore ay ku shaqeyn jireen.

Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali ayaa Xafiisyada qaar ee laamaha dowladda la tagay warqado cabasho ah oo ku saleysan in gacanta Taliska Ciidanka Cirka lagu soo celiyo dhulkii ciidamadaasi ay lahaayeen.

Dhulka Ciidamada Cirka ayaa ku yaallo Dhabarka Dambe ee Xerada Afisiyooni, inkastoo Xeradaasi xittaa ay tahay dhulka Ciidamada Cirka, balse cabashada ugu badan ayaa waxa ay ka taagan tahay in Dhabarka Dambe ee Xerada Afisiyooni dhulka ku yaal ee Ciidamada Cirka leyihiin in lagu wareejiyay Shirkado gaar loo leeyahay oo fadhigooda uu yahay Xerada Xalane.

Hadaba Hoos ka dhageyso Warbixin ku saabsan Xaaladda Ciidamada Cirka oo uu noo diyaariyay Faysal Hanad.