Ronaldo oo ku guuleestay laacibka ugu wanaagsan qaarada Yurub

Abaal marinta laacibka ugu wanaagsan qaarada Yurub ee UEFA bixiyaan waxaa u tartameen sanadkaan Lionel Messi (Barcelona), Cristiano (Barcelona) iyo Giggi Buffon (Juventus) waxayna ahaayeen sida laga soo dhex xulay dhamaan cayaartooyda Yurub ka cayaarto.

Sida la filaayay Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleestay abaal marinta laacibka Yurub ugu wanaagsan.

Ronaldo markii koobka madaxweynaha UEFA gudoonsiiyay isla markiiba biladii la siiyay ama koobkii la siiyay ayu dhunkaday.

Ronaldo wuxuu yiri “Inaan markale biladan ku guuleesto waxaan kaga mahad celinaa cayaartooyda aan isku kooxda iyo dalka nahay”

“Sidoo kale marwalbo waxaan hayaa hami aan guul ku gaaro waxaana kaga mahad celinaa qof walbo oo igu caawiyay ku guuleysiga biladaan qaaliga ah sida Real Madrid, taageerayaasha iyo qof walbo oo siweyn ii caawiyay”

Dhinaca kale abaal marinta laacibka ugu wanaagsan qaarada Yurub qaybta dumarka ama hablaha waxaa u tartameen Pernille Harder (Denmark, Linköping and Wolfsburg), Dzsenifer Marozsán (Germany, Lyon) and Lieke Martens (Netherlands, Rosengård/Barcelona).

Waxana abaal marinta ku guuleesatay Lieke Martens oo dalka Holland u dhalatay kana caawisay inay xagaagan koobkii qarada Yurub haweenka ku guuleestaan.