Ronaldo oo ganaax muteysan kara kaddib markii uu xalay laaday mid ka mid ah xiddigaha PSG

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu ganaax muteysan karo kaddib falkii uu xalay ku laaday mid ka mid ah xiddigaha PSG.

CR7 waxa uu xalay kaalin fiican ka ciyaaray kulankii ay kooxdiisu 2-1 uga adkaadeen PSG lugta labaad wareegga 16-ka Champions League, laakiin qaladkii uu xalay sameeyey ayuu ku mudan karaa ganaax.

Waxa uu xalay nasiib ku lahaa kabtanka xulka qaranka Portugal inaan la siinin kaarka cas oo uu ka badbaaday, kaddib markii uu laad ku tuuray daafaa reer Brazil iyo kooxda PSG ee Dani Alves inkastoo aysan si fiican u gaarin.

Ronaldo ayaa gadaal ka laaday xiddigii hore ee kooxda Barcelona Alves, laakiin garsoorayaashii kulankaas ayaan arkin dhacdada.

Si kastaba xaalku ha ahaadeen, Cristiano Ronaldo ayaa la soo sheegayaa inuu la kulmi karo ganaax uga yimaada xiriirka kubadda cagta uefa, kaddib marka dib loo daawado kulankii xalay PSG iyo Real Madrid.