Robert Lewandowski oo ku biiray liiska cayaartooyda Champions League 50-gool ka dhaliyeen

Weeraryahanka xulka Poland iyo naadiga Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa ku biiray liiska cayaartooyda darajo ahaan 50-gool iyo ka badan ka dhaliyeen UEFA Champions League.

Robert Lewandowski ayaa noqday cayaaryahanka 7-aad ee 50-gool iyo ka badan Champion-ka ka dhaliyo sidoo kalena labadii gool uu xalay ka dhaliyay naadiga Benfica wuxuu dhanka goolasha ku dhaafay Thierry Henry oo 50-gool tartankan kaga dhaliyay 112-kulan uu cayaaray halka Lewandowski uu darajadan ku gaaray 77-kulan uu tartankan weyn kasoo muuqday.

Lewandowski goolkiisii ugu horeeyay Champion-ka wuxuu October 2011 ka dhaliyay naadiga Olympiacos xili uu kooxda Dortmund ka tirsanaa sidoo kalena 17-gool ugu horeesay uu tartankan ka dhaliyay asigoo maaliyada Dortmund xiran ayuu dhaliyay halka inta kale ee soo hartay uu dhaliyay asigoo Bayern u cayaarayo.

Lewa wuxuu haatan 5-gool ka hooseeyaa Ruud van Nistelrooy oo ah cayaaryahanka 5-aad ee tartankan ugu goolasha badan balse guud ahaan Champion-ka waxaa ugu goolal badan Cristiano Ronaldo oo 121-gool tartankan ka dhaliyay.

Fadlan hoos kaga bogo taariikhda cayaartooyda UEFA Champions League ugu goolasha badan min Guruub ilaa Fiinaal:

121 Cristiano Ronaldo (Manchester United, Real Madrid, Juventus)
105 Lionel Messi (Barcelona)
71 Raúl González (Real Madrid, Schalke)
59 Karim Benzema (Lyon, Real Madrid)
56 Ruud van Nistelrooy (PSV Eindhoven, Manchester United, Real Madrid)
51 Robert Lewandowski (Borussia Dortmund, Bayern München)
50 Thierry Henry (Monaco, Arsenal, Barcelona).