Riyad Mahrez Oo Ku Biiraya Kooxda Arsenal Maalmaha Soo Aadan & Qiimaha Ay Kula Wareegi Doonto (Warbixin)

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester City Riyad Mahrez ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu ku biiro Arsenal wuxuuna isha ku hayaa inuu gadaal ka riixo heshiis uu maalmaha soo aadan ugu wareegayo Arsenal.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Algeria, ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay loo magacaabay abaalmarinta PFA Player Of The Year ee xiddigii ugu fiicnaa horyaalka England Premier League ka dib markii uu Leicester la qaaday horyaalkeedii ugu horreeyey muddo 132 sanno ah.

Waxaana la filayey inuu sii joogi doono kooxda ka dhisan King Power Stadium ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale, laakiin Mahrez ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan go’aansaday inuu ku biiro Gunners.

Horraantii Isbuucaan ayey aheyd markii uu tababare Claudio Ranieri hoosta ka xariiqay in uusan kooxda ka tegi doonin xiddig kale oo muhiim ah, laakiin sida laga soo xigtay majaladda The Sun, Mahrez wuxuu isha ku hayaa inuu ku biiro kooxda Arsenal.

Warbixintaan ayaana sheegeysa in uusan tababare Ranieri ka horjoogsan doonin 25 sanno jirkaan haddii uu go’aansado inuu ka tago Leicester, wuxuuna si dhaqsi ah u raadsan doonaa bedelkiisa, wararka ayaana sheegaya inay Arsenal 45 milyan oo ginni kusoo iibsan doonto.

Mahrez ayaa Leicester uga soo biiray kooxda ka dhisan Faransiiska ee Le Havre adduun lacageed dhan keliya 400 kun oo ginni bishii January 2014kii.