Borussia Dortmund madaxeeda Hans-Joachim Watzke in Real Madrid aysan ka muuqan rabitaan ah lasoo wareegida xiddigooda Pierre-Emerick Aubameyang kasoo lagu iibin doon lacag jaban madaama uusan heysan weyn.
Aubameyang ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu ku riyoonaya hal maalin inuu ka ciyaaro Madrid, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in xiddigan uu u dhaqaaqyo Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laakiin Watzke ayaa shaaca ka qaaday inaysan run aheyn tas ,waxaana uu sheeegay inuusan hadda ka muuqan wax firfircooni ah Real Madrid kasoo ay kula saxiixaneyso xiddigooda.
“Riyada Aubameyang ee Madrid waa wax cad, lakiin waxaa noo muuqata in aysan hadda usoo jeedin saxiixiisa.
“Waxaan la leeyahay xiriir weyn madaxweynaha Madrid Florentino Perez, waxaana ogahay inuusan wax badan oo ogaanshiyo ah u heyn Aubameyang,
Aubameyang ayaa qaab ciyaareed la yaab leh, isagoo Dortmund xilli ciyaareedkan, u dhaliyay 36 gool 41 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.