Gabriel ayaa sheegay in Arsenal ay ku kalsoon tahay ku guuleysiga Horyaalka islamarkaana ay soo gebaggebayn doonaa dagaalka Leicester iyo Tottenham si ay u dhamaystiraan guusha horyaalka.
Goolal ka kala yimid Alexis Sanchez, Alex Iwobi, Hector Bellerin iyo Theo Walcott ayay Gunners 4-0 kaga badiyeen Watford shalay.
Ka hor ciyaarta, Tababaraha Arsene Wenger ayaa sheegay in in Mesut Ozil uu ku qaldanaa erayada uu u isticmaalay saxaadafa ka dib markii xiddiga reer Jarmal uu sheegay in isaga iyo asxaabtiisa kooxda ay ka quusteen tartanka Horyaalka.
lakiin tababaraha Faransiiska ayaa ayaa sheegay in taas aheyd wax qaldan oo aan loo baahneyn inuu ku dhaqaaqo ciyaaryahanka.
Gabriel ayaa yiri: “Waxaan dib u u helnay kalsoonideena mar kale.
“Wakhtigaan waxaan heysanaa kalsoonida ugu fiican, waa inaan ka fakirnaa wax badan ayuu hadalkiisa ku daray.