Xilli maanta Inter Milan ay heysato fursad qariib ah si ay ula saxiixdaan Modric, haddane Real Madrid ayaa carro ka muujisay tallaabo ay u Nerazzuri u qaadday saxiixa laacibkeeda.
Kooxda reer Italy ayaa wada hadallo la sameesay Modric iyadoo aysan ka war qabin kooxda Los Blancos, taasoo sharci ahaan aan la oggoleyn.
Keliya haddii uu hal sano ama ka yar uu ka harsanyahay qandaraaska laacib uu kula jiro, waa ay bannaan tahay in ciyaaryahanka lala yeesho wada hadal, balse Captain-ka Croatia ayaa heysta qandaraas laba sano ah.
Real Madrid ayaa dooneysa inay dacwad ka gudbiyaan dhiggeeda maadaama ay la hadleen kubbad qaabeeyihii hore ee Tottenham Hotspur.
Liverpool ayaa raalli gelin ka bixisay markii ay wada hadal la yeesheen Virgil Van Dijk isagoo heshiis kula jira kooxda Southampton sanadkii hore, iyagoo ugu dambeyn la wareegay bishii January ee sanadkan.



