Real Madrid oo calaameysatay bedelka Karim Benzema

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku fikireyso inay lasoo wareegto mashiinka goolasha kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League ee Real Madrid ayaa waxaa haatan diiradda u saaran xiddigo farabadan oo weerarka ka ciyaara, waxaana xusid mudan in Los Blancos laga diri doono xiddigo ku fashilmay inay wacdaro dhigaan.

Alvaro Morata ayaa liiskaas ugu horreeya kaasoo kusii jeeda kooxda Manchester United, tababare Jose Mourinho ayaana wuxuu weeraryahankaas ku qanciyey inuu kasoo tago Real Madrid maadaama uu magac weyn ku sameyn karo Old Trafford.