Iyada oo Shan maalmood uu ka haray suuqa kala iibsiga, taageerayaasha Real Madrid ayaa wali weydiisanaya saxiixyo cusub kooxdooda, Zinedine Zidane ayaa weli ku riyoonaya mucjiso.
Si kastaba ha noqotee, xaqiiqda ayaa ah in Los Blancos aysan ka fiirsaneynin inay ku darto kooxdeeda haatan saixixyo cusub.
Hadafkooda ayaa ah in 27 ciyaartoy oo ay haatan heystaan kooxda koowaad lagu sameeyo isbedelo badan.
Inkasta oo ay wali shaki ka qabaan Zidane iyo kooxdiisa xaalada suuqa, Real Madrid ayaa durbaba qarash gareysay 305 milyan euro xagaagan – waana in ka badan inta ay bixiyeen kooxaha kale.
Naadiga adduunka ugu taraiikhda weyn ayaa weli isha ku haya horumar inay ka sameeyaan heshiiska Neymar, laakiin fursadihii ay kula soo wareegi lahaayeen Paul Pogba ayaa u muuqda inay dhammaadeen.
Waxaa jira calaamado aad u yar oo ah inay awoodi doonaan inay heshiis la gaaraan Manchester United kaaoso ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee suuqa.
Marka loo eego maalgashiga weyn ee xagaagan, Real Madrid ayaa hogaamineysa kooxaha bixiyay lacagta ugu badan, iyadoo Barcelona ay haatan ku jirto kaalinta labaad waxaana ay suuqa galisay 255 milyan euro, halka Atletico Madrid ay seddexaad gashay 243 milyan halka Juventus ay kaalinta afaraad gashay 188m.
Barcelona ayaa haatan ku daru karta qiimaheeda suuqa 100 milyan euro, halka Atletico (+ 67m euros) iyo Juventus (+ 10m euros) ku dari karta maadaama wali ay rajo ka leyihiin suuqa kala iibsiga.
Real Madrid inay lacag kaash ah ku heli karta Gareth Bale iyo James, marka la isku daro labada xiddig ayaa lagu qiimeeyaa 100m euro.
Laakiin, iyada oo aan la iibin labadan ciyaartoy, Los Blancos ma awodi doonto inay suuqa ku qarashgareeyaan lacag dheeraad ah.
Madrid
Zinedine Zidane ayaa weli heysta rajo ah inuu Paul Pogba keeno Real Madrid xagaagan, laakiin heshiis qadka dhexe ee Manchester United ayaan suurra gal noqon karin.
Rabitaanka Pogba ee Madrid ayaa soconayay xagaaga oo dhan, laakiin go,aanka ugu dambeeya ayaa la ogaan doonaa 2da Sebtember markaas oo suuqa kala iibsiga Yurub xirmi doono.
Zidane ayaa doonayay inuu la soo wareego ninka reer France ee Pogba, laakiin iyadoo United aysan dooneynin inay iska iibiso ciyaaryahanka waxay xujo ka dhigtay in miiska loo saaro 180m.
Waxay u muuqataa in dhaqdhaqaaq yar ay heshay Madrid kadib markii usbuucyadii la soo dhaafay falal ccunsurnimo ah uu kala kulmay ciyaaryahanka jamaahiirta Man Utd.
Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa soo warinaya in Zidane uu weli ku qanacsan yahay inuu heshiis la gaaro ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin.
Tababaraha Real ayaa aad u daneynaya inuu keeno ninka u guuleystay Koobkii Adduunka Madrid oo uu diyaar u ah inay bixiso qiimaha ugu macquulsan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Xiddiga qadka dhexe ee Ajax Donny van de Beek iyo kan Tottenham Christian Eriksen ayaa bedel unoqon kara Pogba haddii ay ku fashilmaan Madrid
Pogba ayaan haatan u muuqan doonin inuu xilli dhow ka tagayo United, iyadoo bixitaanka Alexis Sanchez oo amah ugu biiraya Inter Milan aysan ku dhiiro galin Karin kooxdiisa inay fasaxaan ciyaartooy kale.
Tani waxay ku qasbeysa Madrid inay dalab u dirto Van de Beek iyo Eriksen, laakiin Zidane ayaa dooran kara inuu dib uga laabto markale xiisaha Paul Pogba maalmaha ka harsan suuqa.
Real Madrid ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareed ay heshay natiijooyin isku dhafan, iyagoo 3-1 kaga badiyeen Celta Vigo maalintii furitaanka La Liga, laakiin ka dib waxaa barbaro 1-1 ah la galay Real Valladolid ciyaar ka dhacday Bernabeu Sabtidii.
Zidane wuxuu qarash gareeyay in ka badan £ 270m saxiixyo cusub xagaagaan laakiin midkoodna kuma soo bilaaban kulankankii Valladolid sabab la xiriirta dhaawac ama doorasho la,aan.
Neymar
Agaasimaha kooxda Barcelona Javier Bordas ayaa xaqiijiyay in heshiiska ay kula wareegeyso kooxdisa xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar Jr uu ku dhow yahay in la gabagabeeyo ka dib wada hadal dhexmaray wakiilo ka socda labada kooxood Talaadadii shalay.
Bordas, oo ay weheliyaan agaasimaha isboortiga ee Barcelona Eric Abidal, madaxa ganacsiga kooxda Oscar Grau, iyo ninka indha indheynta u qaabilsan kooxda ee Andre Cury, ayaa u safray Paris si ay ula kulmaan wakiilo ka socda PSG madaama ay isku dayeen inay Neymar ku soo celinayaan Camp Nou.
Sida laga soo xigtay Guillem Balague oo ah aflanqeeye horyaalka La Liga ah, kooxda ka dhisan gobolka Catalan ayaa soo gudbisay dalab rasmi ah oo gaaraya ilaa 170 milyan euro, iyadoo ay macquul tahay in lagu daro ciyaartoy dhowr ah heshiiska ay kula soo wareegayaan xiddiga reer Brazil.
Waxaa la rumeysan yahay in inkasta oo wax muhiim ah aan laga helin labada dhinac inta lagu gudajiray wadahadalka, laakiin gorgortanka ayaa u gudbay jiho wanaagsan.
Neymar ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona, laakiin xanta ayaa sii xoogeysatay markii la ogaaday inuu ku jahwareeray nolosha Paris.
Barcelona ayaa lasoo wareegtay Frenkie Jong iyo Antoine Griezmann taasoo ku adkeysay inay bixiso qiimaha ay dalbaneyso kooxda reer France.
Intii lagu jiray xiisadda, Real Madrid iyo Juventus ayaa sidoo kale lagu soo waramayay inay soo galeen tartanka loogu jiray saxiixa xiddiga PSG.
Sida laga soo xigtay AS, Bordas wuxuu xaqiijiyay in Barcelona ay ku dhowdahay heshiiska Neymar, isagoo u sheegay inay suura gal tahay inuu ka soo dego garoonka diyaaradaha saacadaha soosocda,
Weli wax heshiis ah lama dhameystirin, laakiin waxa xaajodka waa la dhameystiray inta ugu badan ayuu yiri.
Markii la weydiiyay hadii kulanka labaad ku saabsan yahay heshiis dhaqaale oo u dhaxeeya labada koox, agaasimaha kooxda ayaa si fudud ugu jawaabay,
“Haa, dabcan.”
Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay u soo bandhigto Ousmane Dembele iyo Nelson Semedo PSG si ay u soo ceshtaan Neymar, laakiin waxaa wali la arki doonaa sida ay xaaladu isku bedesho maalmaha soo socda madaama suuqa kala iibsiga Yurub uu ku dhow yahay inuu soo gabagaboobo.
Pique
Xiddiga Barcelona Gerard Pique ayaa u sheegay Express Sport inuu la xiriiray Neymar ilamarkaana uu kala hadlay ku saabsan suurtogalnimada ah inuu ku laabto Nou Camp.
Daafaca Barcelona Gerard Pique ayaa la xiriiray xalayto Neymar iyadoo la hadal hayo in xiddiga reer Brazil uu ku laaban karo Nou Camp.
Daafacii hore ee Manchester United ayaa ka qeybgalay xaflad uu filanayay inuu ku wehliyo saaxiibkiisii hore ee Neymar.
Laakiin markii uu tagay xaflada ninka reer Brazil ayaa ka maqnaa munaasabadda taasoo keentay inuu xiriir toos ah la sameeyo daafaca Barcelona.
Si kastaba ha noqotee, Pique wuxuu jeclaan lahaa inuu u ogeysiiyo saaxiibkiis in looga xiisay qilka labiska kooxda.
Pique ayaa u sheegay Express Sport.
Waxaan wadaagnay sheeko gaar ah ”
Pique kama uusan aamusin markii uu sheegay inuu doonayo inuu arko Neymar oo kusoo laabtay Barcelona.
32-jirkan ayaa intaa ku daray markii la weydiiyay hadii ay sidoo kale ka wada hadleen suurtogalnimada uu Neymar ugu soo laban karo kooxda.
” sida iska cad wuxuu ahaa wadahadal gaar ah.”
Barcelona ayaa saraakiil u dirtay caasimada Faransiiska si ay u tijaabiyaan heshiiskaan ka hor inta aan la gaarin bisha Sebtember 2.
Pique wuxuu sharraxay sida ay ugu adag tahay kooxdiisu inay ka shaqeyso sidii ay kusoo celin laheyd Neymar.
“Ma aqaan. Way adag tahay in la ogaado. Waan ogahay in kooxda ay si aad ah uga shaqeyneyso sidii ay ku heli lahaayeen isaga,”
Ma ahan wax sahlan, isagu ma ahan ciyaaryahan Barcelona ah haatan.
Waxaan dhihi karaa bal aan aragno waxa dhaca isbuuca soo socda.
Aynu aragno haddii uu soo noqdo.



