FIFA Best Award qaybta cayaaryahanka ugu wanaagsan waxaa si rasmi ah ugu guuleestay Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa abaal marinta laacibka aduunka ku garaacay Lionel Messi iyo Neymar oo kula tartamayeen.
Waxay ahayd wax la wada sugaayay in Ronaldo ku guuleesanayo abaal marintaan madaama 12-kii bilood ee ugu dambeesay uu ku guuleestay Euro 2016, Champions League iyo La Liga.
Ronaldo oo aad u faraxsan wuxuu u mahad celiyay Neymar iyo Messi oo bilada kula tartameen, cayaartooyda Real iyo Portugal iyo dhamaan taageerayaasha oo caalamka ku leeyahay”



