Palmeiras waxay noqotay kooxdii ugu horeesay Brazilian ah ee 10-horyaal ku guuleesato.
Tababare Luis Felipe Scolari ayaa ku faraxsan in Palmiers uu ku hogaamiyay hanashada horyaalka heerka kowaad ee Brazil iyadoo kooxdan 1-0 kaga badisay naadiga Vasco da Gama waxaana weli harsan hal kulan horyaalka Brazil balse qaadistiisa wey xaqiijiyee.
Fadlan hoos ka eeg kooxaha ugu hanashada badan horyaalka heerka kowaad ee dalka Brazil:
Palmeiras – 10-horyaal
Santos – 8-horyaal
Corinthians – 7-horyaal
São Paulo – 6-horyaal
Flamengo – 5-horyaal
Cruzeiro, Vasco & Fluminense min 4-horyaal ayay qaadeen.



