Maxaa Ka jira in Manchester United ay heshiis Cusub ka saxiixayso Juan Mata.?

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa inta badan Juan Mata usoo dooqda kurisiga kaydka ee kooxda Old Trafford.

Mata oo kamid ah xidigaha aysan isku wacnayn tababaraha reer Portugal ayaa kooxda ka caawiyay in ay guul gaarto kulamo waa wayn oo uu kamid yahay kulankii ay 2-1 kaga adkaadeen Juventus.

Xidigii hore ee Valencia ayaana bandhiggiisa wanaagsan ku soo jiitay taagerayaasha kooxda kuwaas oo dalbaday in uu xidigani sii joogo marsraxa riyooyinka.

Si kastaba ha ahaatee Mata oo qandaraaskiisu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan ayaa lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqi doono  Red Devils.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mirror ayaa shaaca ka qaaday maanta oo isniin ah in Manchester ay diyaar u tahay in ay Mata kusii hayso Old Trafford, iyaga oo u gacan galinayay heshiis seddex sano ah oo uu kooxda kusii joogayo.

Warkan ayaana ku soo aadaya xilli ay suurta gal tahay in ay kooxdu lumiso qaar kamid ah xidigaheeda qadka dhexe sida Ander Herrera iyo Paul Pogba.