Madaxweyne Xaaf oo cambaareeyay weerarkii Gaalkacyo

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu aad kaga xunyahay weerarkii Maanta Gaalkacyo lagu qaaday ee khasaaraha badan ka dhasahay.

Warka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidatan:

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Xaaf isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawlad goboleedka iyo kan shacbiga Galmudug, waxa uu tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen dadkii Saaka lagu laayay weerarkii ay Shabaab la beegsatay Magaalada Gaalkcayo, kaasi oo sababay Dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo tiro dhaawac ah.

Madaxweynuhu waxa uu weerarkaasi ku sifeeyay mid bahalnimo, waxa uuna aad u boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, islamarkaana noolasha ku qabtay mid kamid ah ragii weerarkaasi ka dambeeyay.

Uga danbeyntii waxa uu madaxweynuhu faray laamaha Amniga in ay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada”.