Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in ay magacaabi doonaan Tababaraha caalami ah kadib markii uu xaqiijiyay Luis Enrique inuu ka tagayo kooxda.
kooxda reer Catalan ayaa waayi doonaa macalinkii sadexda sano ee lasoo dhaafay guulaha ku hogaamiyay kooxda dhamaadka xili ciyaareedkaan.
ilaa June 30, waxaan ku dhawaaqi doonaa cidda noqon doonta tababaraha cusub ee kooxda, Waxaan isku dayi doonaa inaan ku dhawaaqno ugu dambeyn 1da July shaqsi ku haboon inuu hogaamiyo kooxda ayuu yiri Madaxweynaha Barcelona oo la hadlayay TV-ga Barça.
Bartomeu ayaa sidoo kale cadeeysay in go’aanka Enrique uu kaga tagayo shaqada uu yahay mid lama filaan ah, laakiin uusan jirin cadaadis kaga imaanaya mamaulka kooxda.
Luis Enrique ayaa go’aansaday inuu ka tago Barcelona saddex sano ka dib markii uu ku guuleystay koobab xiriir ah.
Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Barcelona xagaagii 2014 ka dib markii uu shaqada ka tagay Gerardo Martino.
Waxa uu ku guuleystay La Liga labo xilli oo xiriir ah, waxaana sanadkiisii sadexada uu kula dagaalamayaa kooxda Real Madrid.



