Gareth Bale ayaa loo taagay jaalihiisii labaad kulankii Las Palmas ,nin Real Madrid ayaana laaday Jon Viera oo u ciyaara Las Palmas isagoo ugu daray gacan ka hadal markaasoo garsooraha ciyaarta ka saaray laacibka Wales.
Jon Viera ayaa sidoo kale sameeyey marka hore gacan ka hadalka laakiin carada xiddigii hore ee Tottenham Gareth ayaa keentay inuu ku helo jaalihiisii labaad markaasoo casaan loo taagay.
Cristiano Ronaldo, ayaa ka badbaadaiyay Real Madrid guuldaro markii uu dhaliyay labo gool oo soo daahay,
Los Balancos ayaa hal dhibic ka dambeysa hadda koxda hogaanka heysa ee Barcelona kuwaasoo 6-1 kaga badiyay xalay Sportig Gijon.
Taageerayaasha Real Madrid ayaa baraha bulshada ugu maadeystay casaanka loo tagaay Gareth Bale oo caro aan looga baran ka muujiyay xalay garoonka.
Hadaladaii taageerayaasha Careysan ku yiraahdeen Bale ayaa uqornaa sidaan
# Uf Bale waxaa tahay doqon ayuu soo qoray qof kamid ah taageerayaasha careysan ee Real Madrid.
# Dadka neceb Gareth Bale waxay ogyihiin inuu sameeyay qalad doqonimo ah oo hoos u dhigay kooxdiisa, laakiin wali waa Ciyaaryahan tayo leh ayuu qof kale bartiisa Twitterka kusoo qoray.
# Robin Hood ayaa yiri” Alla maxay aheyd ciyaar– RealMadrid vs LasPalmas ciyaar la yaab leh.
# Haddii Bale doonayo inuu wax wanaagsan sameeyo mar kale waa inuu iska soo xiraa gacmihiisa fudeedka badan si uusan qofkale utuurin ayuu soo daabay taageere Madrid ah


