Rasaas Goos Goos ah oo ka socota Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos ah oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta la sheegaya in tahay mid goos goos ah  sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka kunool xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta goos gooska ah ayaa saaka bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada ujirta 8 Km

Inkastoo hada uusan jirin dagaal toos ah hadana Labada dhinac ee magaalada waxaa  ku dhacaaya Rasaas ay ridaayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.