Sida lagu daabacay warbaahinta taageerta uruka Al-Shabaab ciidamo ka soo goostay maamulka Jubbaland ayaa ku biiray dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Ciidanka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa gaaraya kudhawaad 6 askari oo watay Qoryo iyo tuutaha ciidanka Millateriga Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa sheegay mid ka mid ah Askarta ay kusoo bandhigeen degmada Jilib in uu soo dilay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland ka dibna uu isku soo dhiibay ciidankooda.
Wasiirka Arimaha Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish iyo Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo ayay sheegeen shabaab in ciidankaan ku soo biiray ay ilaalo u ahaayeen.
Dowladda goboleedka Jubbaland ayaanan weli ka hadlin Askartaan la sheegay in Maamulkooda ay ka goosteen ee Shabaabka isku dhiibay.



