DHAGEYSO: Puntland oo shaacisay Qaabka ay u rabto Nabada Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaarada deegaanka Maamulka Puntland  Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in uusan jirin heshiis ay wada gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo .

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay rabto nabada iyo wadanoolaashaha dadka kunool Magaalada Gaalkacyo.

Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro waqti kala guur ah inaan xal laga gaarinkarin colaada magaalada Gaalkacyo , waxaana uu sidoo kale sheegay siyaasiyiinta iyo sidoo kale madaxda aduunka in aysan waxba ka quseynin nabada Magaalada Gaalkacyo .

Cali Cabdulaah Warsame ayaa sheegay in dadka kunool Gaalkacyo ay iyagu heshiis ka gaaraayaan colaada u dhaxeysa.

Dagaalka Gaalkacyo ayuu sheegay tan iyo markii uu bilowday inaysan jirin heshiis ay wada gaareen Puntland, Galmudug iyo madaxda dowladda Soomaaliya.